Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo Ka Warbixiyey Kulan Uu La Yeeshay Wefti Ka Socda Midawga Yurub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo Ka Warbixiyey Kulan Uu La Yeeshay Wefti Ka Socda Midawga Yurub
March 11, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyey kulan uu la qaatay wefti ka socda Midawga Yurub, kuwaasoo booqasho ku yimid dalka Somaliland.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa waxa uu sheegay inay weftiga Midawga Yurub ka wadahadleen arrimo kala duwan oo khuseeya shaqada garsoorka, hannaanka caddaaladda Somaliland.

“Waxa aannu kulan muhiim wada qaadanay wefti ka socda Midawga Yurub (EU-da) oo maalmihii u dambeeyey safar ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanan ka wadahadalnay arrimo ay ka mid yihiin; hawlaha garsoorka, horumarinta caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga (rule of low), waxayna weftiga ka socday Midawga Yurub ay ballanqaadeen inay garsoorka Somaliland kala shaqayn doonaan sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada garsoorka iyo caddaaladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana halka maanta la joogo hore looga sii socon lahaa, shaqada garsoorkana looga dhigi lahaa mid bulshadu ku wada qanacsan tahay dhinac walba,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa kaloo aannu kooxda ka socotay Midawga Yurub ka wadahadalnay isbeddelka aannu ku samaynay, welina socda ee la xidhiidha nidaamka dib-u-habaynta garsoorka Somaliland (Somaliland Judicial Reform), anaga oo u faahfaahinay guulaha kala duwan ee ilaa hadda laga gaadhay nidaamkaas dib-u-habaynta ah iyo faa’iidooyinka ka dhashayba, waxayna weftigu noo ballanqaadeen inay ka go’an tahay sidii ay taageeradooda uga gaysan lahaayeen hannaankaas dib-u-habaynta loogu samaynayo garsoorka iyo caddaaladda Somaliland, arrintaas oo ay si xooggan u bogaadiyeen.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa uga mahadnaqay Midawga Yurub sida fiican ee ay ula shaqeeyaan, una caawiyaan dalka Somaliland oo uu xusay inuu yahay dal dimuqraaddi ah oo ku dhaqma sharciga iyo kala-dambaynta dowladnimo, isagoo ku dhiirigeliyey inay sii kordhiyaan kaalmada ay siiyaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftiga ka socda Midawga Yurub oo toddobaadkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Somaliland, waxay shirar iyo kulamo kala duwan la qaateen xisbiyada qaranka, hay’addaha dowliga ah ee Somaliland, bulshada rayidka ah iyo hay’addaha la shaqeeya EU-da ee xafiisyada ku leh Caasimadda Hargeysa.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS