Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyey Inay Wada-shaqayn Ka Waayeen Madaxweynaha, Goleyaasha iyo Xisbiyada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyey Inay Wada-shaqayn Ka Waayeen Madaxweynaha, Goleyaasha iyo Xisbiyada
March 23, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland, oo maanta hortegay golaha guurtida ayaa waxa ay warbixin ka siiyeen halka diyaarinta hawlaha doorashada golaha Wakiilladu u marayso.

Guddoomiyaha gudida Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo markii uu soo dhamaaday kulankaasi ka warbixiyay, ayaa sheegay in kulankoodaasi uu ahaa mid is xogwaraysi ah oo ay ku saabsan arimo la xidhiidha Doorashada iyo halka ay farsamo ahaan wax u marayaan, Waxana uu sheegay ay is afgarad ka gaadheen in sideedii loo galo wakhtigii ay doorashada u mudeeyeen.

Waxa kale oo uu guddoomiyaha gudida Doorashooyinka guurtida u sheegay inay wada-shaqayn ka waayeen Madaxweyne Biixi, Xukuumaddiisa, labada gole baarlamaan iyo Xisbiyada siyaasadda Somaliland.

Geestiisa kale Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna dhinaciisa ka warbixiyay kulankaasi, ayaa waxa uu sheegay inay Guddiga doorashadu u sheegeen in wada shaqayn la’aanta dhinacyada doorashadu khusaysaa ay sababtay inaanay doorashado qabsoomin xilliyadii la qorsheeyey.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/XyGVNVWDv6w

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS