|
|||||
WAJAALE NEWS
Gabadh Soomaaliyad Ah oo Baarashuud Kaga Soo Boodda Diyaarad
March 14, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Meyran Cumar waa gabadh Soomaaliyada oo dagan Minneapolis Minnesota ayaa dhawaan baratay sida baarashuudka looga soo boodo horena waxay Meyran u baratay wadida diyaaradaha yaryar. Marka ay ka hadlleysay waxyaabaha ku dhaliyay in ay barato sida diyaaradda loo kaxeeyo ayay tidhi ”Waxaan u safray wadanka sucuudiga oo aan arkay sida loo cadadiyo dumarka looma ogola in ay gaadhi kaxeeyaan anigu waxaan haystay liisanka gaadhiga markii aan soo noqday Ayaan go’aansaday in aan gabdhaha muslimiinta tuso in aan wadi karo diyaarad. Nooca diyaaradda ay baratay ayaa ah nooca loo yaqaanno hal-matoorleyda waxayna hadda ku hanweyn tahay in ay barato midda rakaabka. Barashada baarashuudka ”Barashada baarashuudka waxaa igu dhaliyay habeen annigoo daawanaya barnaamij ayaan arkay nin isaga oo raba in uu badbaadi rakaab la dhintay,niyada Ayaan iska tusay in ay fiican tahay in qof walba uu barto sida loogu duulo baarashuudka, markii u horeysay ee aan tago Meesha barashada baarashuudka waxaan la kulmay caqabado,inta aan booday barashada laba mar waa lagula boodayaa,mar sadexaad-na laba qof ayaa geesaha kaa qabaneysa oo arkeysa sida aad u soo deganeysid. Sidee ugu suurtagashay markeedi ugu horreysay? Baarashuudka maalinkii u horeysay waxaan ka raadiyay Minneapolis wada rag ayay ahaayeen,markii danbe gabadh ayaa ii sheegtay in Luska,san aan ka helayo laba gabdhood hadii ay jaanis leeyihiin, waan la hadley gabadhii kaligay Ayaan u socdaalay goobtaas. Caqabadaha ay la kullantay ”Waxaan tagey aniga oo xijaaban goobta waxaa joogay dhalinyaro waxey dareemeen cabsi,waxan la kulmay dareen diidmo ah,markii danbe aniga ayaa tagay miiska qaabilada waan u sheegay in aan leeyahay balan,waxey i weydiiyeen adiga miyaa doonaya mise ninka kula socda oo ahaa qof magac carab ah u qornaa,waxaan la soo baxay liisankii duuliyaha aan sidatay waxaana isbadalay dareenkoodii,qofwalba wuxuu codsadey innuu macalin ii noqdo waxaan codsadey gabadhii aan doonayay in ay macalin ii noqoto. Kaddib maxaa dhacay? ”Markii aan diyaaraddii kornay waxaa lagashadaa omuraayad iyo mid kale oo lamid ah ka loo qaato wadista mootooyinka,kaas waan hilmaamay diyaaradii ayaan kornay. ”Goobta laga soo boodayaa waa 11 fiit oo hawada ah u dhiganta jooga bada kun ilaa kun iyo dhan boqol,markii aan soo boodnay hawadii way iga luntay balse gabadhii ayaa i caawisay markii ay dareentay waxay furtay baarashuudkii,dareenkayga ayay i weydiiyeen markii aan soo dagnay,soomaali ayaan ahay waan is adkeeyey si aan u tuso wax walba waa ok. Mustaqbalka waxa ay rajeyneyso ”Waxaan doonayaa barashada diyaaradaha ganacsiga,waxaa iga hortaagan kharasha oo dhan 100 kun oo doolar aniguna ma awoodo,ninkan ayaa ahaa nin caqli badan laba arimood ayuu ii soo jeediyay ta koowaad in jaaliyadu hada Soomaalidu ay ku kaalmeeyaan ama ay dawlada Soomaliya soo codsato iskuulkan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|