|
|||||
WAJAALE NEWS
Ethiopian Airlines oo Ku Dhawaaqday Mowqifkeeda Ku Aaddan Shirkadda Boeing
March 25, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Mas’uuliyiinta Ethiopin Airlines ayaa kalsooni buuxda u muujiyay shirkadda Boeing, xilli ay hadda jirto xasaraddii ka dhalatay burburkii diyaaradda rakaabka wadday. Tewolde Gebremariam oo ah agaasimaha guud ee Ethiopian Airlines ayaa sheegay iney garab taagan yihiin Boeing, ayna sii wadi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin iyada iyo shirkadaha kale ee diyaaradaha soo saara. “Xitaa annagoo og musiibadii dhacday, Boeing iyo Ethiopian Airlines way sii wada shaqeyn doonaan wayna isku xidhnaan doonaan”, ayuu Tewolde ku yidhi bayaan uu soo saaray maanta oo Isniin ah. “Ethiopian Airlines way ku kalsoon tahay Boeing, waxayna saaxiibo ahaayeen sannado faro badan”, ayuu sii raaciyay. Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa ah tan ugu weyn ee ka howl gasha guud ahaan qaaradda Afrika. Dhanka kale, Shirkadda Qatar Aiways oo ka mid ah shirkadaha duullimaadka ee ugu waaweyn bariga dhexe ayaa taageero noocaas ah u muujisay Boeing oo ay dhibaatooyin kasoo wajaheen mamnuucistii diyaaradaheeda looga soo rogay caalamka. Boeing ayaa la filayaa in wiigan ay tababar sharraxaad ah ka bixiso habka cusub ee ay dooneyso in loo adeegsado diyaaradaheeda noocoodu yahay 737 MAX. 200 oo qof oo isugu jira duuliyeyaasha diyaaradaha caalamka, khubarada farsamada iyo sharciyaqaannada dinaca diyaaradaha ayaa todobaadkan la bari doonaa software cusub oo ay Boeing ku soo kordhisay diyaaradaheeda 737 MAX, si ay usii xoojiso nabadgalyada. Inta badan waddamada dunida ayaa hawadooda ka mamnuucay diyaaradaha noocaas ah, wixii ka dambeeyay shilkii diyaaradeed ee 10-kii bishan March ay ku burburtay diyaarad Itoobiya laga leeyahay. Diyaaraddaas oo ay sameysay Boeing, nooceeduna ahaa 737 MAX ayaa waxaa ku geeriyooday dhammaan 157-dii qof ee saarnaa. Bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ayey diyaarad kale oo isla noocaas ah ku burburtay Indonesia, taasoo ay ku dhinteen 189 ruux oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale. Wajaalenews Desk/Addis Ababa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo:Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Hadlay Suura Galnimada Doorashada Sanadka Soosocda ee ... Daawo Sawirada Soo Dhawayntii Xisbiga Ucid Ee Magaalada Gabiley Iyo Xadhig Ka Jarkii Xafiiska Dhexe ... Laba Kamid ahaa Ciidanka Booliska Sucuudiga Oo Dablay Hubaysani Ku Dhaawaceen Gudaha Magaalada Riyad COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|