|
|||||
WAJAALE NEWS
DEG DEG: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Wasiiro Loo Haysto Musuq-maasuq
March 26, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa, (WJN)- Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Hawlaha guud, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirka gaashaandhigga iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland. Kulankan ayaan la ogayn rasmi ahaan waxa lagaga wada-hadlay, laakiin ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in masuuliyiinta ku jira Dawladda Somaliland ee ka soo jeeda Gobollada Barigu ay isku yimaaddeen sidii loo furdaamin lahaa Musuqmaasuq uu Hanti-dhowrku ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Mr. Ciise Xawar. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ahaa xubnaha ka qayb-galay kulankan oo ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa Saxaafadda u sheegay inay ka wada-hadleen danahooda Beeshooda. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Related posts:Shirkada Telesom Group Oo Siwayn Uga Dhex Muuqatay Bandhiga Carwada 1-aad Ee Ganacsiga Jsl Iyo Adeeg... Wasiir Cukuse Oo Beeniyey Inuu Ka Heeso Waddani ah TV-ga Qaranka Ka Joojiyey, Kana Hadlay Arrinta Fa... Safiirka Maraykanka Ufadhiya Somaliya Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamo Uu Layeeshay Axmed Madoobe Iyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|