“Dedaalo Way Jiraan, Laakiin Ma Jiro Wakhti Cayiman Oo Wada Hadalada Loo Qorsheeyay” Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dedaalo Way Jiraan, Laakiin Ma Jiro Wakhti Cayiman Oo Wada Hadalada Loo Qorsheeyay” Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
March 18, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, oo ilaa hadda wakhti rasmiya loo cayimin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika weydiiyey Wadamada Turkiga iyo Gaana Wadanka lagu qaban doono, ayaa ka gaabsaday inuu si rasmiya u sheego Wadanka lagu qabanayo, iyo wakhtiga rasmiya ah ee la qabanayo waxaanu ku jawaabay

“ Way jiraan dedaalo lagu doonayo in labada dal ku wada hadlaan,laakiin ilaa hadda wakhti cayiman oo loo qorsheeyey in la wada hadlaa lama qorsheyn, lamana cayimin,  Madaxweynahana Qarankuna Mudane Muuse Bixi Cabdi, wuu ka hadlay wada hadalada,wada hadaladana meeshii la doonaba ha lagu qabto ee wax tafaasiil ah oo cusub aanu ka bixinayaa ma jirto,”

 

 

COMMENTS
LINKS