Dawlada Somaliland Oo War Kasoo Saartay Kulankii Raysal-wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxwayne Farmaajo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliland Oo War Kasoo Saartay Kulankii Raysal-wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxwayne Farmaajo.
March 5, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(,N)-Wasaarada Arimaha dibada Somaliland iyo Iskaashiga caalamiga ah ayaa war kasoo saartay kulankii Raysal-wasaaraha itoobiya Abiy axmed la yeeshay madaxwaynaha maamulka muqdisho maxamed cabdilaahi farmaamo oo maanta ka dhacay caasimada dalka itoobiy.

Warkan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada jsl oo lagu baahiya boga ay ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebooga ayaa lagu soo dhaweeyay kulankii dhexmaray iyo qodobada kasoo baxay wuxuna Udhignaa Sidan;

“Dawlada Jumhuuriyada Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba.

Isla Markaana uu Aqbalay in aanu Soo Faro Galin Xidhiidhka Soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia.

The government of the Republic of Somaliland welcomes the acknowledgment and remarks made by farmajo’s adminstration that Somalia is in no position to interfere the Historic bilateral ties between Somaliland and Ethiopia, and to accept that Somaliland is an important actor in the region and cannot be ignored

WASAARADA ARIMAHA DIBADA JAMHUURIYADA SOMALILAND.

 

COMMENTS
LINKS