DAAWO;-Munaasibad Lagu Xusayo Halgankii Loo Soomarey Jsl Oo lagu Qabtey Magaalada Cardiff, Xildhibaano Iyo Madax Katirsan Dawlada Uk Oo Kasoo Qaybgalay!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Munaasibad Lagu Xusayo Halgankii Loo Soomarey Jsl Oo lagu Qabtey Magaalada Cardiff, Xildhibaano Iyo Madax Katirsan Dawlada Uk Oo Kasoo Qaybgalay!!
March 3, 2019 - Written by Editor:

CARDIFF(W,N) Munaasibad Balaadhan oo Lagu xusayo Halgankii Loo soo marey Qaranimda Jamhuuriyada Somaliland ayaa lagu qabtey Magaalo Madaxda Gobolka Wales Ee  Cardiff .

Sidoo Kale Waxaa munaasibad lagaga hadley xiidhidhka Qotada Dheer ee ka dheexeya Booqortoyada Dalka Ingiriiska Iyo Jamhuuriyada Somaliland.

Dhanka kale waxaa munaasibadani kasoo qaybgalay xildhibaano kamida baarlamaanka ingiriiska ee sida wayn u taageera qadiyada Somaliland iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Weles.

Siyaasiyiintan iyo aqoonyahan reer Somaliland ee munaasibadani ka hadlay ayaa ka waramay halgankii lagu xoreeyay Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soomartay waxaana xaqiiqada Somaliland iyo waxa ay qabsadeen shacabkeedu ka marag furay xildhibaano iyo siyaasiyiin reer UK AH Gaar ahaan Gobolka Wales.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA MUNAASIBADAN IYO KHUDBADIHII LAGA JEEDIYAY;

 

COMMENTS
LINKS