|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Xabsiga U Taxaabay Laba Siyaasi
March 25, 2019 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Ciidamada dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa xabsiga u taxaabay laba siyaasi oo maalintii shalay ahayd dhaliilo u jeediyay Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar islamarkaana ugu baaqay inuu xilka iska casilo. Siyaasiyiintan xabsiga loo taxaabay oo u dhashay deegaanka Soomaalida ayaa kala ahaa Khadar Jikre iyo Axmed Nur Sh Maxamed Saahid. Arrintan ayaa loo aanaynayaa waraysi ay siiyeen warbaahinta, taas oo ay kaga hadleen inuu is casilo Mustafe, sababna uga waxa ay ku sheegeen inuu xilkii shacabka uu u hayay uu ku guuldaraystay. Dhanka ilaa iyo hada ma jiro faah faahin ku saabsan xadhiga labada Siyaasi oo ka soo baxay laamaha amniga maamulka dawlad deegaanka Soomaalida. Wajaalenews Desk Jigjiga Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Nasiib Darro Ayay Noqotay Inaan Maanta Waxba Layga Weydiin Gobalka Sool, Aad Iyo Aadna Waan Uga Xuma... Caaqilka Wasiir Siciid Sulub Oo Raalin Galin Ka Bixiyay Hadalo Naxli Xanbaarsan Ee Kasoo Yeedhay! Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Su,aalo Muhiim Ah Waydiiyay Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Iyo Jawa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|