“Barnaamijka Shaqo Qaran Waxa Uu Ka Dhashay Hindisihii iyo Hal-abuurkii Madaxweynaha iyo Himilooyinkii KULMIYE..” Agaasimaha Shaqo Qaran | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Barnaamijka Shaqo Qaran Waxa Uu Ka Dhashay Hindisihii iyo Hal-abuurkii Madaxweynaha iyo Himilooyinkii KULMIYE..” Agaasimaha Shaqo Qaran
March 3, 2019 - Written by Reporter:

Darar-weyne (WJN)- Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran, mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addin) oo munaasibadda daah-furka barnaamijka carbiska shaqo qaran ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu barnaamijkani soo maray iyo sida ay uga fikireen sidii uu barnaamijkani u noqon lahaa mid mustaqbalka fog loo aayo oo midho wanaagsani kasoo bixi karaan, waxana uu tilmaamay inuu ka mid yahay himilooyinkii Madaxweynaha qaranka oo haatan la hirgeliyey.

Agaasimuhu waxa uu shaaciyey inuu barnaamijkani kamid ahaa qorsheyaashii uu xisbiga KULMIYE dhallinyarada reer Somaliland u ballan-qaaday xilliyadii ololaha oo haatan fulintiisii bilaabantay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS