|
|||||
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Amaanay Kartida & Dedaallada Gabadh Dhalinyaro ah, Oo Asal Ahaan Kasoo Jeeda Somaliland Iyo Waxa Ay Ku Mutaysatay!
March 12, 2019 - Written by Editor:London-(W,N)- Xeerka Caruurta oo Baarlamaanka Ingiriiska ansixiyey ayaa si weyn loogu amaanay kaalinta ay ka qaadatay u ololayntii wax-ka-bedelkiisa gabadh asalkeedu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland. Sida lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Ingiriiska shalay, wax-ka-bedelka Xeerka Caruurta Ingiriiska oo hore loo ansixiyey sannadkii 1989-kii, oo u ka hadlay Xildhibaan Zac Goldsmith ayaa u sheegay Baarlamaanka Ingiriiska inay sharaf u tahay inuu hadal-qoraalka fadhiga ku daro u mahadcelinaya Nimco Cali, oo si weyn ugu ololaysa joojinta gudniinka gabdhaha, inbadan oo xildhibaanada Ingiriisku aqoon u leeyahiin. “Waa dadka ugu caansan u ololaynta cidhibtirka Gudniinka Hablaha (FGM) ee Ingiriiska, maalmo horteedna waxay madal dhinac fadhiday Raysal-wasaaraha Ingiriiska, xaqiiqdii waxay qadiyadan gaadhsiisay wadnaha xukuumada.” Xildhibaan Goldsmith, oo ka tirsan xisbiga Muxaafidka Ingiriiska ayaa hadalkiisa sii raaciyey, “ Shaqada Nimco & guulaha ay ka gaadhay qadiyadan ayaa dhaafsiisan dalkan. Waxay ku dhiirigelisay saddexdii musharax ee doorashadii madaxtinimada Somaliland 2017 inay ballanqaadaan hirgelinta xeer lagu joojiyo gudniinka hablaha, inbadana waa u xog-ogaal inay ku dhowdahay ku guulaysigiisa.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Madaxweyne Md Muuse Biixi markii la doortay, wuu ka dhabeeyey ballanqaadkiisii, waxaana xukuumadiisu diyaarisay xeerkii xakamaynta gudniinka gabdhaha. Xildhibaan Simon Hoare, ayaa sidoo kale amaanay awoodeeda qancinta & u doodisteeda, isagoo yidhi, “Waan amaanayaa awoodeeda qancinta & u doodista, lagana yaaba in fursad laga siiyo xil siyaasadeed ee baarlamaanka (Whip office), masuul xisbi oo xildhibaanada ku kantaroola u raacitaanka siysaadaha xisbiga ansixinta xeerarka Baarlamaanka. Nimco Cali ayaa la filayaa in 26 bisha ay ka hadasho munaasibad shirweynaha Xuquuqal-insaanka & Dimoqraadiyada oo lagu qaban doono dalka Switzerland, isla markaana lagu gudoonsiiyo abaalmarin caalami ah. Xusitaanka kaalinta Nimco Cali, oo dhalashada Ingiriiska haysata, balse asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland ka qaadatay u ololeyntii xeerka caruurta oo dalka Ingiriisku ku dhaqmi doono, ayaa sidoo kale noqonaya talaabo magaca dalkeeda Somaliland ku gaadhsay dhegaha muwaadiniinta Ingiriiska iyo guud ahaan dadka Soomaalida ee ku nool Ingiriiska. Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Habka Maqalka Iyo Muuqaalka Ah Kulan kula Qaatay Afar Iyo Toban Safiiro Iyo Ku X... Shirkada Diyaaradaha Qatar Airways Oo Shaacisay Inay Sii Wadi Doonaan Adeegsiga Hawada Somaliland Hadal-haynta Maalmahan Mudane Siilanyo intuu duub lahaa..intuu doorraa (2014-1969 )Qalinkii Boobe yu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|