ALSHABAAB OO KALIYA WAX KUMA DISHO MUQDISHO BALSE WAXAA JIRA,,,,Yuusuf Garaad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ALSHABAAB OO KALIYA WAX KUMA DISHO MUQDISHO BALSE WAXAA JIRA,,,,Yuusuf Garaad
March 29, 2019 - Written by Editor:

Wasiirkii hore ee arimaha dibada soomaaliya Yuusuf Garaad Axmed ayaa ka hadlay qaraxyada is daba jooga ah ee ka socda magaalada muqdisho iyo xaalada amaanka ee faraha ka sii baxaysa , qoraal uu yuusuf garaad soo dhigay bartiisa facebook oo uu kaga hadlayo amuurtaasi ayaa u dhignaa sidan:

Qaraxii iigu horreeyay oo ka dhacay meel aan joogo waxay ahayd 2013. Weerarkaas waxaa soo qaaday saddex wiil oo labana ay is qarxisay midna lagala hormaray oo la dilay isaga oo gashan jaakad qarax ku rakiban yahay.

Isla markiiba waxaa tuhun la geliyay cidda ka dambeysa weerarka. Xataa shisheeya ayaa ka qeyb qaatay far ku fiiqidda jiho aan ahayn Shabaab.

Ilaa markaas waxaan arkayay marka uu qarax dhaco dadka qaar keena tuhun ah in weerarku Shabaab ahayn ee ay ka dambeeyaan dhinacyo kale. Ma ogi xaqiiqadeeda. Mid ayaanse ogahay. Shabaab keliyihi Muqdisho dadka kuma dilo.

Baaritaan cilmi ku saleysan ayaa loo baahan yahay in weerar kasta lagu sameeyo waxna laga barto.

Xuuraansi ka sokow, Maaddooyinka laga sameeyay qaraxa iyo tabta loo sameeyay waxay wax ka sheegaan cidda sameysay. Xataa waxaa laga ogaan karaa qofka qaraxa sameeyay cidda tababbartay.

Goobta la beegsaday, goorta iyo xeesha weerarka iyagana khubaro akhrin taqaan ayaa jirta. Diiwaanka warbixinnada weerarrada Shabaab haddii uu jirana wax baa lagala dhex bixi karaa.

Baaritaan iyo dabaggal noocaas ah ama ka sarreeya maaddaama aanan arag cid natiijadiisa ila wadaagta, anigu waxaan weerarrada u sameystay miisaan fudud. Waxaan hubiyaa in weerarka uu fuliyay ama uu qeyb ka yahay qof is qarxiyay. Haddii ay jawaabtu haa tahay, Shabaab oo keliya ayaa haysta dad isu qarxiya, adeegsadana.

COMMENTS
LINKS