Akhriso: Jinsiyadaha Dadkii Ku Dhintay Diyaaradda Itoobiya iyo Hal Qof oo Baasaboorka Soomaaliga Sitay oo Ku Jira | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akhriso: Jinsiyadaha Dadkii Ku Dhintay Diyaaradda Itoobiya iyo Hal Qof oo Baasaboorka Soomaaliga Sitay oo Ku Jira
March 10, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Diyaarad ay leedahay Sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa burburtay wax yar uun kadib markii ay kasoo duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaraddaas.

149 rakaab ah iyo sideed shaqaalaha diyaaradda ah ayaa la sheegay in ay saarnaayeen diyaaradda, waxayna diyaaraddu ku sii jeedday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sharikadda ayaa daabacday liis ay ku qoran yihiin dadkii shilka ku dhintay iyo dalalkii ay kasoo jeedeen, waxaana liiska kujira hal qof oo sitay baasaboorka Soomaaliga, waxayna u muuqataa in sharikaddu ay tix galisay baasaboorada ay dadkaasi siteen oo kale ah, balse lagayaabo in ay kujireen dad asal ahaan Soomaali ah oo baasabooraddaas qaarkood sitay.

,

Liiska ay daabacday sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian airlines ayaa ahaa sida hoos ku qoran.

32 Kenyan

18 Reer Canada

9 Itoobiyaan

8 Shiinees

8 Talyaani

8 Ameerikaan

7 Faransiis

7 Ingiriis

6 Masaari

5 Jarmal ah

1 baasaboor Qaramada Midoobay watay

4 Hindi

4 Slovakia

3 Australia

3 Ruush

3 Sweden

2 Spain

2 Poland

1 Indonesia

1 Ireland

1 Rwanda

1 Sucuudiga

1 Soomaali

1 Serbia

1 Nepal

1 Nigeria

2 Morokaan

2 Israaiiliyiin

1 Biljim

1 Ugandhiis

1 Yemeni

1 Sudaniis

1 Togo

1 Muzambiik

1 Norway

 

WAJAALENEWS DEKS

ADDIS ABABA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS