36 Sannadood Ka Hor Maanta Oo Kale, Wixii Hargeysa Naga Saaray Ee Halganka Nagu Igbaaray In Ka Mid Ahi Maantana Hargeysa Waa Ay Yaalliin! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
36 Sannadood Ka Hor Maanta Oo Kale, Wixii Hargeysa Naga Saaray Ee Halganka Nagu Igbaaray In Ka Mid Ahi Maantana Hargeysa Waa Ay Yaalliin!
March 25, 2019 - Written by Editor:

36 Sannadood Ka Hor Maanta Oo Kale (25 March 1983) Wixii Hargeysa Naga Saaray Ee Halganka Nagu Igbaaray In Badan Oo Ka Mid Ahi Maantana Hargeysa Waa ay Yaalliin.

Maxa ka mid ahaa?

Maamul xumo dhashay oo u xuub siibatey caddaalad darro iyo dulmi, musuq iyo boob, naasnuujin iyo qaraabokiil, car juuq dheh iyo qabyaalad indho la’aan ah oo horseeday nactooyo iyo kala qaybsanaan bulsheed, himilo la’aan iyo rejo xumaan meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabi lahaa dawladnimada iyo shuruucdeeda.

Waxa ay si xun oo dellegan in yari ugu tagrifashay awooddii iyo magacii garannimo oo sidii ay doonaanna ay ka yeeleen, iyaga oo dhufays iyo difaac laga dhiganaya reernimo iyo qabiil baarka loo feedhayo.

Waxa ay intaas yari dadka intiisii badnayd ka sheegatay oo ka xigsatey dawladnimadii iyo wixii manfac iyo ilo dhaqaale ahaa ee qaranka saboolka ahi wada lahaa.

Kaaga sii darane, waxa ciddii foolxumooyinkaas tilmaanta ama soo hadal qaadda lagu shaambadeeyey waa qaran dumis iyo cadow bay u shaqayaan oo u yihiin dabadhilif oo hunguri xumaa qaadday.

Waxa dadkii la geliyey cabsi iyo xabsi weyn, ciddii ka hadashana waxa lagu tuuray qollad yar oo madow oo cidhiidhi ah.

Raabe raabe ayaa loo gurmay oo hubkaa la qaatay si toos ah iyo si dadbanba, waxana la nacay dawladnimadii iyo qarankii la wada lahaa markii la kala xigsadey, la isuguna tarsheegtay.

Waxa ka dhacay wixii dhacay ee illaa maanta haarihii iyo hagardaamooyinkii ka dhashay loo wada jeedo ee meel laga soo qabto la garan la’ yahay ee ay dhafoor daaliska noqotay.

Somaliland waxa ay ka soo dhex baxday burburkaas weyn ee qarannimadii iyo dawladnimadii jamhuuriyaddii Soomaaliya ku yuurursaday ee hoggaamin xumaanta ka dhashay.

Intii qarankaas burburisay ayaynu 28 sannadood ka dib uga baqaynaa in ay Somaliland kala tuurto. Waa ay jirtaa cabsidaasi, waxanay la sii kordhaysaa hoggaamin xumaanta maamulka hadda talada haya.

Waa hoggaan xumo iyo maamul liita oo haya, ku taagan dhabbadaas hore ciinka loogu daaqay.

Talo adigaa ku noole iyadu kuguma noola saw lama odhan jirin? Talaynu u baahannahay, si looga badbaado burbur kale.

Ogaadana in maantu ka duwan tahay shalay oo dunidu aanay ahayn tii 1980-aadkii.

@Hargeysa, 1983.

QALINKII; MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN.

 

COMMENTS
LINKS