Xubno Dhawaan Magaalada Hargeysa Kaga Dhawaaqay Maayir oo Xabsiga Laga Sii Daayay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xubno Dhawaan Magaalada Hargeysa Kaga Dhawaaqay Maayir oo Xabsiga Laga Sii Daayay
February 24, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa xabsiga magaalada Hargeysa laga sii daayay Xubno dhawaan degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa kaga dhawaaqay inay ku doorteen Maayir kadib markii Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ay ku xukuntay afar bilood oo xadhig ah.

Xubnahan oo maanta dib u helay xoriyadoodii, ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdiqani Maxamed Cabdiraxmaan oo dabayaaqadii sanadkii aynu soo dhaafnay kaga dhawaaqay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa Maayir iyo Maayir ku xigeen inay doorteen ayaa waxaa wehelinayay Caaqil Xasan Ibraahim iyo Oday Xasan Xuseen.

Masuuliyiintan ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu mahad celiyay cafiska sii dayn tooda ee uu u sameeyay, iyagoona tilmaamay in xoriyadooda ay dib u heleen uu si adag uga shaqeeyay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo xubnahani ay maamulka golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa iyo shacabka reer Somaliland ay raali gelin ka siiyeen falkaasi ay hore ugu kaceen.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS