|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Xasaanadda Laga Xayuubiyay
February 7, 2019 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddib markii ay yeesheen kulan. Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah. Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaadhka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Wararka waxay sheegayaan in dhammaan xildhibaanadan aysan joogin maanta kalfadhiga baarlamaanka halka laga aaminsan yahay in qaarkood aysan dalka joogin.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/z0G_Pn77Ax8 WAJAALENEWS DESK JIGJIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|