|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirro Ka Socday Xukuumadda Somaliland oo La Kulmay Madaxweynaha Jabuuti
February 14, 2019 - Written by Reporter:Djibouti (WJN)- Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac iyo safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti ayaa maanta la kulmay madaxwaynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka iyo Weftigiisa oo kulamo kala duwan maalmihii u danbeeyey la qaadanayey madaxda kala duwan ee Jamuuuriyada Jabuuti ayaa maanta kulanka ay la yeesheen Madaxwayne Ismaacil Cumar Geelle ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo walaalnimada labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti, taasi oo ah xidhiidh soo jireen ahi ka dhexeeyo Somaliland. Geesta kale, Weftiga Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland ayaa shalay booqosho ku tagay goobo taariikhi ah iyo waliba goobo cilmi baadhiseed oo Jabuuti leedahay, kulankani maanta ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Jamuuriyada Jabuuti. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|