Wasiirada Arimaha Dibada iyo Maaliyada Itoobiya oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirada Arimaha Dibada iyo Maaliyada Itoobiya oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa
February 21, 2019 - Written by Reporter:

Addis ababa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa hadhimo-sharafeed ku casuumay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa kulanka hadhimo-sharafeedka ah ee ay la qaateen wasiirrada arrimaha dibadda iyo maaliyadda ee dalkaas Itoobiya oo ay wehelinayaan Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Dalka Somaliland, Mudane Shamsudiin Axmed Rooble iyo diblomaasiyiin ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya waxa ay ku wadaageen is xog-waraysi muddo qaatay.

 

COMMENTS
LINKS