Wasiirka Beeraha Somaliland oo Kaga Qaybgalay Turkiga Shir Ku Saabsan Ahmiyadda Wax Soo Saarka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha Somaliland oo Kaga Qaybgalay Turkiga Shir Ku Saabsan Ahmiyadda Wax Soo Saarka
February 17, 2019 - Written by Reporter:

Ankara (WJN)– Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Md. Axmed Muumin Seed oo Safar Shaqo ku jooga Dalka Turkiga ayaa maanta ka qaybgalay shir lagaga hadlayey ahmiyadda wax-soosaarka iyo horumarinta Beeraha, kaasoo ka dhacay dalkaasi.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen madax kala duwan oo ka socda dalka Turkiga, ayaa sidoo kale intii uu socday waxa lagu soo bandhigay Cilmi-baadhisyo la xidhiidha sidii wax-soo-saarka kor loogu qaadi lahaa, loona abuuri lahaa barmaamujyo arrimahaas lagu dhiiri-gelinayo.

Geesta kale, Wasiir Seed, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee gobolka Kunyo ee Dalka Turkiga, kaasoo sidoo kale ah Madaxa Shirkad ka shaqaysa Qalabka Waraabka Beeraha.

Wasiirka oo uu Safarkiisa ku wehelinayo Madaxa Mashruuca Wajaale, ayaa waxay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Gobolkaas ka wada-hadleen sidii loo samayn lahaa wada-shaqayn dhab ah oo dhinaca Beeraha ah iyo sidii Somaliland looga caawin lahaa dhinaca horumarinta Beeraha.

Warkaas oo lagu baahiyey bog ay Wasaarada horumarinta Beeruhu ku leedahay baraha Bulshadu ku xidhiidho ee Face-book, ayaa wuxuu intaa ku daray inay labada dhinac isfaham ka gaadheen qodobada laga wada hadlay, iyadoo arrimaha ugu waaweyn uu ku tilmaamay  dhinaca tababarada Shaqaalaha iyo qalabka.

Wasiirka oo kulanka kaddib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay arrintani fursad weyn u tahay wax-soosaarka dhanka Beeraha ee Somaliland.

COMMENTS
LINKS