War Deg-Dega Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Laba Masuul. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Laba Masuul.
February 16, 2019 - Written by Editor:

Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland oo Baadhitaano hor leh ka waday Qaar kamida Xafiisyada Dawlada ayaa Saaka Subaxdii hore Xabsiga  u Taxaabay Masuuliyiin kamida Laamaha dawlada.

Labada Masuul ee xabsiga Loo Taxaabay Saaka ayaa kala ah sida ay Noo Xaqiijiyeen Ilo  u Dhuun Daloola Xafiiska Hantidhawrku Maareeyihii hore Madbacada Qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo Agaasimihii maamullka iyo Lacagta C/kariin C/laahi Cumar.

Labadan Masuul Ayaa Loo Xidhay Falal Musuqmaasuq oo Ka Dhacay Xarunta Madbacada Qaranka Somaliland Mudadii Ay Joogeen,

Si Kastaba ha ahaatee Ma Jiro Wax Faahfaahin ah oo Kasoo Baxay Arrintan Bal Xadhiga Masuuliyiintan ayaa Daba Socoda Baadhitaano Joogto ah oo xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka Somaliland KaWado Laamaha kala Duwan ee Dawlada.

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Arrintan.

COMMENTS
LINKS