War Deg Deg Ah: Dab Goor Dhawayd Ka Kacay Xarunta Isgaadhsiinta Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Dab Goor Dhawayd Ka Kacay Xarunta Isgaadhsiinta Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland
February 26, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa uu goor dhawayd dab xoogani ka kacay Xafiiskii waaxda is gaadhsiinta ee Wasaarada Warfaafinta iyo dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland.

Ciidanka dab-demiska ayaa islamarkiiba gaadhay xaruntaasi iyagoona ku guulaystay xakamaynta dabkaas, si aanu ugu sii fidin qaybaha kale ee wasaaradda.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Sawaaxili, oo goobta gaadhay ayaa sheegay in gubashada xafiisyadaas ay keentay goobtaas oo xidhnayd, isagoona sheegay in qiiqii goobtaas ka baxayay ay keentay ay adkaato in gudaha loo galo dhismaha.

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka kacay xarunta Isgaadhsiinta ee Wasaarada Warfaafinta iyo waxaa sababay.

 

Wixii Warar Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wajaalenews

COMMENTS
LINKS