|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Midowga Yurub Oo Somaliland Uyimid Sidii Ay Uga Qaybgali Lahaayeen Dhagaysiga Dacwada Abwaan Cabdiraxmaan Abees.
February 24, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Wafti Iskugu jira Masuuliyiinta Sar sare Oo ka Socda Midowga Yurub ayaa maanta Somaliland soo Gaaadhay kuwaasi oo ujeedada socdaalkoodu ahayd sidii ay xukuumada ugala hadli lahaayeen xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyagoo saaka goob joog u ahaa ka Dhagaysiga gabo gabada dacwada oo ka socotay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex. Xubnahan ka socday midowga yurub ayaa dhanka kale la kulmay gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Iyagoo u kuurgalay sida ay usocotay iyo eedaha loo hayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees Ujeedada Waftigan iyo waxyaabihii ay kala hadleen Masuuliyiinta maxkamada ayaa waxaa ka warbixiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradaha ganacsiga iyo Qorshaynta Ee xukuumadii Axmed siilaanyo Amb Kaysar Maxamed oo isagu gadhwadeen ka ahaa waftigan. Amb kaysar oo qoraal uu kaga hadlayo dhagaysiga dacwada iyo kulamo ay layeesheen madaxda Maxkamada iyo Abwaan Cabiraxmaan Abees Wuxu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan; Waxaanu maanta booqanay Abwaan Cabdiraxman Abees oo ay dacawadiisu ka socoto Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex. Waxa uu Abwaanku noo xaqiijiyay in si fiican ay u socoto dacawadiisu isla markaasna uu kalsooni ku qabo Maxkamadu inay si Cadaalad ah ugu garnaqi doonto Dacwadiisa. Waxa uu noo sheegay inuu haysto Looyarro u doodaya oo ku filan. Waxaan aad ugu Mahadnaqayaa Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Garsoore Ahmed Dalmar iyo Masuuliyiinta Maxkamada oo noo caddeeyay in Muwaadiniinta Somaliland ay helaan Garsoor Cadaalada iyo Shuruucda Dalka ku dhisan. Waxa aanu ka koobnayn Xubnaha hoos ku qoran. Bill Etheridge MEP Member of the European Parliament Mr Paul Brothwood BA(Hons) DipFSM DipFA CeFA CeMAP PRINCE2 Practitioner Accredited Parliamentary Aide . Mr. Janusz Niedzwiecki. President of the European Council on Democracy and Human Rights. We have visited and met with Mr. Abdirahman Abees, a British citizen in Somaliland. He is currently on trail and expecting a decision shortly. He reassured us that he was being treated well and fairly, with access to his legal team. Bill Etheridge MEP Member of the European Parliament Mr Paul Brothwood BA(Hons) DipFSM DipFA CeFA CeMAP PRINCE2 Practitioner Accredited Parliamentary Aide . Mr. Janusz Niedzwiecki. President of the European Council on Democracy and Human Rights. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed : Senior Advisor
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|