|
|||||
WAJAALE NEWS
Taariikh Nololeedkii Ale Ha U Naxriistee Abwaan Baarleex oo Ku Geeriyooday Hindiya iyo Kaalintii Uu Fanka Soomaalida Ku Lahaa
February 2, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Abwaan Cabdillaahi Xirsi Ibraahim, oo ku magac dheeraa Baarleex, waxa uu Alle ha u naxariistee ka mid ahaa sugaanyahannada ay sida weyn u yaqaaneen guud ahaan dadka Soomaalidu wuxuuna taariikh lama illoobaan ah ku lahaa fanka. Baarleex oo ay da’diisu ahayd 65 ilaa 66 sano ayaa ku dhashay magaalada Qorraxay ee hadda ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Shalay ayuu ku geeriyooday waddanka Hindiya, halkaasoo looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha ah oo uu in muddo ahba la il darnaa. Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed, oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha abwaannada Soomaaliya, wuxuu ka mid yahay dad sida fiican u yaqaannay abwaan Baarleex. Isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka warramay waxa uu ka garanayay dabeecaddiisa wuxuuna yidhi: “Suugaanta Soomaalida wuxuu uga jiray door shariif ah. Abwaannadu way kala yihiin oo qof wuxuu soo qortaa soona diyaarsadaa suugaantiisa, midna waa gole ka yeedh oo wax walba isla goobta uu kula kulmo uga sameeya suugaantiisa. Marka Abwaan Baarleex wuxuu ahaa nin gole ka yeedh ah oo gabayada dusha ka tiriya hibo gaar ahna uu Alle siiyay”. Deegaanno ka tirsan dhulka Soomaalida Itoobiya,Somaliland ayuu u badnaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Dhowr bilood ka hor ayuu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho waxaana halgan dheer oo caafimaadkiisa lagu raadinayo galay golaha abwaannada Soomaalida. Abwaan Xirsi Dhuux ayaa sheegay in ay ku dadaaleen sidii ay dowladda Soomaaliya u hirgalin lahayd in abwaanka caafimaad loo geeyo dalka dibaddiisa. Hase ahaatee mar uu BBC-da u warramayay isagoo u muuqday inuu ilmeynayo ayuu sheegay in eray uu Abwaan Baarleex ku yidhi ka hor inta aan la qaadin uu hadda ogaaday inuu dardaaran ahaa. “Maalintii ugu dambeysay ee aan u duceyneynay golaha abwaannada intaan isu keennay, ka hor inta aan dibadda loo qaadin, ayuu goobta nooga tiriyay gabay dheer oo la yidhaahdo ‘kala tage’. Waxaanan illaaweynin eray uu aniga igu xusay oo uu lahaa: “Kala tage tuslaha yuurura iyo tima caddow dhuux”, ma aanan dareemin inuu markii ii sagootinayay laakiin hadda ayaan dareemayaa iney sagootis ahayd arrintaas. Doorkii suugaanta waddaniyadda ee Abwaan Baarleex Wuxuu abwaanku ku caan baxay gabayada waddaniga ah saarka iyo dhaantada oo uu ku cabiri jiray xaaladaha taagan iyo majaajilada. 1970-meeyadii ayuu ku biiray ciidamadii qalabka siday ee Soomaaliya, isagoo ula tagay xirfaddiisa hal abuurnimo ee uu Eebe hibada u siiyay. Waxaa lagu xasuustaa inuu gabayo badan oo guubaabo ah ku taageeray ciidamadii qaranka Soomaaliya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-kii. “Harar iyo hawaas Allahayow la helo” ayaa ka mid ahayd suugaantii wadaniyaddu ku dheehneyd ee sida weyn loogu xasuusto abwaan Baarleex. Sidoo kale dad badan ayaa xasuusta dhaantadiisii uu kusoo hooriyay: “Qarsho weeyee qalbigu armuu nagu qarxaa?”. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|