|
|||||
WAJAALE NEWS
“Somaliland In La Wada Leeyahay Makhratigeeda Waxa Ah Rayaale oo Siilaanyo Kaga Guulaystay Doorasho Gacmeed iyo Xagglo-toosiye oo Saylici Ku Sigay Inuu Dirqi Kaga Guulaysto”.Madaxweyne Biixi
February 2, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jediyay Xuska sanad guurada 25aad ee aasaaska Ciidamada Qaranka, ayaa ka hadley qabsoomida doorashooyinka, Khilaafka Xisbiyada qaranka, xaalada Somaliland iyo Isbedelka wadamada Geeska Afrika. Ugu horayn Madaxweynaha oo ka hadley arrimaha Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Somaliland in la wada leeyahay Makhraatigeeda waxaa ah Daahir Rayaale Kaahin oo kaga guulaystay Doorasho gacmeed oo hal qof iyo hal cod ah Siilaanyo oo ahaa Hoggaamiyihii SNM oo lagu qaabilay oo Sideed sannadood ku xukumayey dalka. Makhraatideeda Somaliland in la wada leeyahay waxaa ah Xagglo-toosiye oo la tartamay Saylici oo ku sigay oo dirqi dirqi kaga baxsaday inuu ka reeyo. Doorashada hadeer la go’aamiyey inay inoo qabsoonto December sannadkan, Walaalayaal haddii aynaan doorashooyinka dimuqraadigaa gelin haddaynaan Goleyaasheena wakhtigooda dooran, haddaan goleyaashu doorasho noqon taladu waa inaga xumaanaysaa, taladu wadaagay ku wanaagsan tahay. Madaxweynuhu mar uu la ka hadlay xisbiyada qaranka waxa uu yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaa waajib ku ah inay xaliyaan wixii dhibaato ah ee iyaga khuseeya ee Doorashada ku gudban, diyaar baanu u nahay dood kasta inaan xal nabad ah u doono waxaanse xalka gaadhaynaa xisbiya qaranka haddaan nahay marka aynu siino mudnaanta inay doorasho inoo qabsoonto, haddaynu mudnaanta siino muran yar oo dhexdeena taagan Walaalayaal gaadhi mayno doorashada. Waxaan leeyahay waxyaabaha yar yar ee doorashooyinka horyaala waynu dhamayn karnaa waynuna dhamayn jirnay, aynu isaga nimaadno aynu dhamayno, hala eego doorashada oo yaan la eegin waxa yar ee ina horyaala, dawladd ahaana diyaar baanu u nahay xisbi ahaana diyaar baanu u nahay in la wada hadlo doorashada wakhtigeedii lagu qabto oo aanay mar labaad dib inooga dhicin, golaha guurtidana aynu raadino xeerkii lagu dooran lahaa. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay idsbedelka geeska afkrika waxaanu yidhi “Somaliand isbedelka ka socda geeska Africa qof waliba isbedelkaa dantiisuu ka eegayaa, Somaliland isbedelka wixii u dan ah ayuun bay ku dhaqaaqaysaa ciddii ay iskaashan karaana way kaashanaysaa, ciddii ay is kaashan kari waayaana ammaan bay siinaysaa”.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|