|
|||||
WAJAALE NEWS
“Siyaasadda Xukuumadda Waxaa ka Mid ah In Aanu Mar Walba Awooda Saarno Sidii Aanu U Hagaajin Lahayn, Xidhiidhka Inaga Dhexeeya Wadamada Caalamka” Wasiir Faratoon.
February 14, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay shirkii Midowga Afrika gaadhsiiyeen farriimo ku saabsan qaddiyadda Somaliland. Mar uu ka hadlaayey Shirka Afrika iyo qadiyada Somaliland ayaa wuxuu yidhi“Qadiyada Somaliland meel wanaagsan bay maraysaa, qadiyada Somaliland waa qadiyad uu Caalamka ka wada dharagsan yahay, Shirkii Afrika ayaanu ka nimid, Shirkana Afrika qadiyadeena aad baa loola socday, oo looga dharagsanaa, qadiyadeena iyo waxaa inoo hirgalay waa mid Caalamku inooga markhaati furay, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadato waa hubaal in rajadeena iyo hamigeenu dhab noqon doono, si rasmiyana u heli doono waxaynu rabno, laakiin waxaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba leeyahay marnaba ha niyad jabina ee qadiyadiina iyo qaranimadiina sii xoojiya, Xukuumad ahaana waxaanu diyaar u nahay dariiqa ay doontaba ha nagu qaadatee in aanu kaga dhabeeyno rajada Shacabkayaga”. Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi “Siyaasadda Xukuumadda waxaa ka mid ah in aanu mar walba awooda saarno sidii aanu u hagaajin lahayn xidhiidhka inaga dhexeeya Wadamada Caalamka, dhabihiina waanu ku taagan nahay, oo imika waxaa jira Wadamo badan oo ka mid ah Wadamada jaarka iyo kuwa Caalamka oo xidhiidh fiicani inaga dhexeeyo, waxaana rabnaa in aanu cid walba ku qancino jiritaanka Somaliland”.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|