Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye oo Boorama Lagu Soo Gabo-gabeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye oo Boorama Lagu Soo Gabo-gabeeyay
February 26, 2019 - Written by Reporter:

Borama (WJN)- Shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga taladda Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa maanta lagu soo gabo-gabeeyay magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.

Shirkan oo mudo labo cisho ah socday, ayaa golaha dhexe ee xisbigaasi waxa ay cod u qaadeen muddo kordhin loo sameeyay shirweynaha xisbigaasi.

Xubnaha golaha dhexe ayaa waxa ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in muddo sannad ah dib loo dhigo shirweynaha xisbigaasi, waxaana loo asteeyay in uu qabsoomo bisha April 2020-ka.

Shirakan la asteeyay April 2020 ayaa waxa la filayaa in lagu dooran doono hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye.

COMMENTS
LINKS