“Shalay Xukuumadu Si Weyn Bay U Xustay Maalintii Dhagax Tuurka,isla Maantana ficilkii Ay Shalay Oo Dhan Siyaad Barre Ku Caayeysay Ayay Maxkamada La Timid! Gar, Xasan Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Shalay Xukuumadu Si Weyn Bay U Xustay Maalintii Dhagax Tuurka,isla Maantana ficilkii Ay Shalay Oo Dhan Siyaad Barre Ku Caayeysay Ayay Maxkamada La Timid! Gar, Xasan Cali.
February 21, 2019 - Written by Editor:

Garyaqaan Xasan Cali Xasan Oo Isbarbar Dhig Ku Sameeyay Jawigii Shalay Ee Xuska Dhalinyaradii Uffo Ee Agagaarka Maxkamadaha Iyo Dhacdadii Maanta Ee Isla Xukuumadu Ciidamada Xaddhaafka kusoo Tubtay dariiqyada maxkamada   Iyo keenistii Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

“Shalay Wadooyinka Maxkamadaha Hargeysa fadhigoodu Yahay waxaa si weyn u hadhaysay xafladii iyo dabaaldegadii lagu xusayey dhagaxtuurkii 1982 ay ardayda iskuuladu iyagoo gadoodsan dhagax ooda kaga qaadeen wixii loogu yeedhi jiray Maxkamada Badbaadada oo ahayd Maxkamda lagu cabudhin jiray dadka xumaha ka dhiidhiya ee wixii khaldan tilmaama sida: abwaanada, muslimiinta, qorayaasha, suxufiyiinta, garyaqaanada iyo cidii kasta ee aqoonyahan ah oo fikir la yimaada.

 

Shalay 20.Feb.2019 xukuumada Somaliland dhacdadaasi dhagaxtuurka ahayd si weyn bay u xustay oo Maxkamadihii buuq iyo qaylo iyo durbaan baa shaqadii ka khalkhaliyey. Isla maanta oo taariikhdu ahayd 21.Feb.2019 isla xukuumadeenii ficilkii ay shalay oo dhan Siyaad Barre ku caayeysay ayay Maxkamada la timid iyadoo ciidan iyo hub qayrul caadiya la soo dhoobay Maxkamadii oo dacwad lagu oogayo Abwaan C.raxmaan Abees. Hadaba waxaa haboon in la fahmo haddii rasaas iyo ciidan wax tarayaan Siyaad Barre ayay wax tari lahaayeen… abwaanaduna maaha kuwo bahaa bahaa iyo caga juglayn wax lagaga joojin karo. Geesiga ama xidiga maantu wuxuu ahaa Abwaan Abees. Waxaan leeyahay isaga iyo abwaanada kale ee da’yarta ahba halkaa ka haya halganka aad umada u dabagalaysaan cid kasta oo dayn kaga maqan yahay.

GARYAQAAN XASAN CALI XASAN BANFAS.

COMMENTS
LINKS