Shacabka Jigjiga oo Khaati Ka Taagan Arrin Halis Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Jigjiga oo Khaati Ka Taagan Arrin Halis Ah
February 25, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay ka cabanayaan in deegaanadooda ay ku soo bateen dawooyinka iyo raashinka dhacay.

Arrimahaasna waxa ay dadka deegaanka u aanay isbadeladii maamul ee halkaasi ka dhacay dhawr bilood kahor. Isbadelka ayaa waxa uu horseeday in la dabciyo xayiraaddii mudada dheer saarneyd badeecooyinka kasoo gudbaya dhanka Soomaaliya.

Cisbitaalka Kaaraamardha ee magaalada Jigjiga ayaa buukaankii halkaa joogay waxay u sheegeen in dhibaatooyinka haysta ay uu yahay raashinka iyo dawooyinka dhacay ee deegaankaasi la keeno.

Khadar Abdirisaaq Ahmed waxa isbitaalka keenay hooyadii oo uu sheegay inay saamaysay dhibaatadan.

“Xanuunadan awal wey yaraayeen balse hadda waa ay soo bateen, sababta cudduradan keentay ayaa ah inay dadka qaadanayeen daawooyin dhacay iyo cuntadii oo aan jirin cid baadhaysa.” Ayuu yidhi Khadar Abdirisaaq

.

Maxamed Cali Wacays, waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta ka howl gasha Cisbitaalka Kaaraamardha waxa uu ka warramay arrinkan.

” Waxaa jira sababa badan oo keena cuduradan sida nadaafad darrada, waxaana sidoo kale dhaca inay ciyaalka mararka qaar qaatan daawooyin dhacay ama ay waalidiinta tagaan farmasiyaha iyagoo soo iibsada daawooyin aanu dhakhtarka u qorin.” Ayuu yidhi Maxamed Cali.

Saamaynta ay leedahay qaadashada daawooyinka dhacay ayaa ah kuwa halis ah sida uu dhakhtarka sheegay waxa uuna yidhi, “faa’iidooyinkii looga baahnaa lagama helo daawooyinka dhacay waxayna horseedaysaa xanuun kale oo hor leh, iyadoo jidhka ka dilayso difaaca.”

Ayaan Cabdi Shukri, oo ah maareeyaha wakaaladda daba galka cuntada iyo daawooyinka ama Tayo-Dhawrka, ayaa ka warrantay waxa isbadelka keenay.

“Lixdii bilood ee u dambaysay waxaa isbadelay habkii ay ku soo galayeen adeegyada sida sharci darrada ah ku soo gala, iyadoo ay jiraan xarumo badan oo aan hadda soo xidhnay oo lagu iibinayey raashin iyo cabitaan dhacay.”

Waxaa hadda magaalada Jigjiga ku soo badanaya cudurro badan oo ayna dhakhaatiirta weli xal u helin.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

WAJAALENEWS DESK

JIGJIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS