Qorshaha Aqalka Cad Ee Nukliyeerka Sacuudiga oo Baadhitaan Lagu Samaynayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qorshaha Aqalka Cad Ee Nukliyeerka Sacuudiga oo Baadhitaan Lagu Samaynayo
February 20, 2019 - Written by Reporter:

WASHINGTON. D.C (WJN)- Dawladda Maraykanka ayaa ku degdegaysa in ay macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan tiknoolajiyadda quwadda korantada ee nukliyeerka la wadaagto Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saareen aqalka Wakiillada.

Guddigan aqalka uu xisbiga Dimuqraadigu hoggaamiyo ayaa billaabay baadhitaan ku aadan walaaca laga qabo in Aqalka Cad uu boqortooyada Sacuudiga ka dhiso warshad quwadda korontada ka dhalisa nukliyeer.

Dadka sirtan dusiyay ayaa guddiga u sheegay in arrintaasi waxyeelayn karto Bariga Dhexe ayna siyaadinayso nukliyeer samaysashada.

Shirkado lala xidhiidhiyay madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa in ay dabada ka riixayaan wareejinta macluumaadkaas.

Warbixinta guddiga dusha kala socoshada ee Aqalka Wakiillada ayaa xustay in baadhitaankan “uu muhiim yahay maadaama oo ay u muuqato in ay socoto qorshaha ay dawladda Maraykanku ay macluumaad xasaasi oo tiknoolajiyadda nukliyeerka ku saabsan kula wadaagayso dawladda Sacuudi Carabiya.”

Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay qolyaha quwadda nukliyeerka sameeya 12 February, si uu ugala hadlo warshado loo dhisayo dalal Bariga Dhexe ku yaalla oo Sacuudigu ka mid yahay.

Trump

Wiilka uu sodogga u yahay Trump oo la taliye u ah Aqalka Cad ayaa lagu wadaa in uu bishan safar ku maro Bariga Dhexe.

Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in ay u baahantahay quwadda korontada ee Nukliyeerka laga dhaliyo si ay wax uga qabato baahida sii kordhaysa ee korontada.

La taliye Jared Kushner

Balse walaacan waxaa qayb ka ciyaara in Iiraan oo ay is hayaan ay samaysanayso tiknoolajid dhanka nukliyeerka ah, sida ay ku warramayaan warbaahinta Maraykanka.

Wadahadal hore oo ku saabsanaa tiknoolajiyadda nukliyeerka Maraykanka ayaa dhammaaday ka dib markii uu Sacuudigu diiday in uu galo heshiis ku saabsan in teknoolajiyaddaan aan hub ahaan loo adeegsan doonin, balse waxaa laga yaabaa in maamulka Trump aanu daruuri u arkin heshiiska noocaas ah, sida uu ku warramay ProPublica.

Dadka arrintan dhaliila ayaa sheegaya in haddii Sacuudiga la siiyo tiknoolajiyadda nukliyeerka ee Maraykanka ay arrintaasi horseedi karto loolan halis ah oo dhanka hubka ah oo ka dhaca gobolkaas aan daganayn.

COMMENTS
LINKS