Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
February 17, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Wararka naga soo gaadhaya degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor hawayd uu qarax ka dhacay Ex Koontarool Balcad, waxaana la sheegay in qaraxaa lagu weeraray gaadhi Booyad ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan AMISOM.

Miino dhulka lagu aasay ayeey dadka deegaanku ku sheegeen in lagu bartilmaameedsaday gaadhi Booyad ah oo ay lahaayeen ciidamada AMISOM qaraxa kaddib rasaas xoogan ayay ciidamadu fureen, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaasta ay rideen ciidamada.

Warar hor dhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM ay ku geeriyoodeen labo qof, inkastoo ilaa iyo hadda aan laheyn faah faahin rasmi ah.

Waxaa haatan hakad ku jira isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Wadada Warshadaha gaar ahaan agagaarka Ex-koontorool Balcad oo kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qarax lagu la eegtay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

COMMENTS
LINKS