WAJAALE NEWS
Qalab Ay Ku Loollamaan Dalalka Ugu Awoodda Badan Caalamka oo Si Sahlan Loogu Iibiyo Suuqyada
February 1, 2019 - Written by Reporter:
Hargeysa (WJN)- Ciidamada booliska ee dalka Japan ayaa baadhaya sida ay suurtagal ku noqotay in suuqyada loo adeegsado dhinaca Internet-ka lagu iibiyo macdanta uranium-ta ee lagu bacrimiyo hubka sida ba’an wax u gumaada.
Qofkii iibinayay qalabkaas iyo dhowr qof oo isku dayday iney ka iibsadaan ayaa gacanta lagu dhigay isla markaana su’aalo la weydiinayaa, sida ay shaacisay warbaahinta dalkaas oo soo xigatay saraakiisha baadhitaanka wada.
Macdantan oo lagu soo shubay quraarad kor laga sii sharaxay ayaa lagu soo bandhigay suuqa wax lagu kala iibsado ee shirkadda Yahoo-ga.
Quraaradan ay ku jirto ayaa sidoo kale dusha looga qoray heerka macdanta oo u dhignaa sidan: “Uranium 99.9%”.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kyodo, tijaabadii ugu horreysay ee budadan lagu sameeyay ayaa muujisay iney tahay mid wax gal ah.
Suuqan dhinaca Internet-ka wax ku iibiya ayey hay’adda sharciyada nuclear-ka ee waddankaas ku baraarugtay sannadkii 2017-kii.
Laakiin khubarada ayaa u maleynayay in macdantu aysan ahayn midda saxda ah ee loo adeegsado bacriminta hubka sida ba’an wax u gumaada.
Wakaaladda warkan baahisay ayaa sidoo kale ku warrantay in qofka macdantan suuq geeyay uu sheegay inuu qudhiisa qalabkan kasoo iibsaday meelo ka baxsan Japan, isagoo adeegsanaya isla suuqa Internet-ka.
Shirkadda Yahoo oo ay wakaaladdu kala xidhiidhay arrintan la yaabka leh ayaa sheegtay in suuqaas la xidhay, kiiskana lagu wareejiyay booliska.
Wali si rasmi ah looma xaqiijinin in qalabkan uu yahay macdanta uranium ee halista ah ama mid loo ekeysiiyay.
Dalka Japan waxaa mamnuuc ka ah in lagu iibiyo qalabka lagu farsameeyo nuclear-ka, qofkii lagu helo ayaana muteysan kara 1 sano oo xabsi ah, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.
Related
COMMENTS
|