Qaabkii Ay U Dhacday Codeyntii Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenka Golaha Dhexe Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaabkii Ay U Dhacday Codeyntii Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenka Golaha Dhexe Kulmiye
February 26, 2019 - Written by Reporter:

Borama (WJN)- Xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa gudo galay buuxinta jagooyin guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe oo bannaanaaday, waxana madasha laga iclaamiyey inay badka is keenaan cidkasta oo hunguri ka hayo qabashada jagooyinka bannaanaaday, iyada oo ay jagada guddoomiyaha iyo ku-xigeenkaba si furan ugu tartameen tiro xubno golaha dhexe ahi.

Guddoomiyaha golaha dhexe, ayaa loo doortay xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo hore iskaga casilay jagada guddoomiye-ku-xigeenka, kaas oo helay 257-xubnood oo golaha dhexe ah, halka Shariif Abokor Maxamed oo jagadan kula tartamay uu ka helay 13-cod, iyada oo jagada guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe loo doortay Aqoonyahan Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow).

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka qaabkii codayntu u dhacday

WAJAALENEWS DESK

BORAMA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS