|
|||||
WAJAALE NEWS
ONLF: “Nabadda Waan Qaadannay Laakiin Hubka Ma Dhigayno”
February 1, 2019 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Jabahadda Waddaniga Xureynta Ogadeniya (ONLF) ayaa sheegtay heshiiska ay la galeen Dowladda Fedraalka Itoobiya ay ku jirin in hubka laga dhigo jabhadda ONLF. Hoggaanka Warfaafinta ONLF Maxamed Ibraahim oo war saxafadeed amuurtan ku saabsan oo ay jabhadda soo saartay akhriyey ayaa wuxuu sheegay “wadahadalladii iyo heshiiski Jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya ay wada galen inuu ka mid ahaa in ciidamada Jabhaddu ay ka mid noqdaan ciidamada amniga ee deegaanka”. “Ciidamada Jabhadda iyo kuwa deegaanka sababta loo mideynayana ay tahay si nabadda iyo xasiloonida dalka loo wada ilaaliyo.” Jabhadda oo ay ka go’an tahay meel marinta heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya mideynta ciidamadana waxaa ku howlan ayuu yidhi “guddi isku dhaf ah laguna wado hab wada tashi ah lagana ilaaliyo wax kasta oo meel marinta heshiiskaasi wax u dhimaya”. Ku xigenka H/Abaabulka iyo Arrimaha Gudaha Ibraahim Maxamed Amaan wuxuu sheegay “war saxafadeedkan inuu ka ka dhashay shir ay guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee Jabhadda ONLF oo ka dhacay magaalada Jigjiga oo lagu falanqeeynayey qodob ka mid ah qodobbada heshiiska ay Jabhaddu la gashay dowladda Itoobiya oo ah qodobka Ciidamada”. Ku xigeenka H/Daryeel ee jabhadda ONLF C/raxmaan Yuusuf Faarax oo ka mid ahaa xubnihi shirka jaraa’id soo jeediyey ayaa wuxuu sheegay “Umaddu iney mareyso xalaad xasaasi ah loogana gudbi karo umadda xooggeeda iyo xoolaheeda oo la mideeyo waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo ay khuseyso arrintaa iyada hadii iney doorkeeda ka qaadato si umadda dhibka ay soo martay iyo wixi laga soo gudbay looga booga dhayo”
WAJAALENEWS DESK JIGJIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Daawo:Jilaaga Wayn Reer Burco Sooraan Oo Ku Amaanay Hogaamiyayaasha Ismaamulka Somalida Itoobiya Iyo... Dawlada Somaliya Oo Sas Ka Qaaday Soo Dhawayntii Jabuuti Ee Waftiga Madaxwaynaha Jsl Iyo Talaabada L... Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Talo Soojeedintii Gudida Ganacsatada Ah Ee Xal Uhelida Khilaaf... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|