Odayaal iyo Waxgarad Ka Hadlay Laba Beelood oo Dagaal Ku Dhexmaray Deegaano Ka Mida Gobolada Awdal iyo Salal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Odayaal iyo Waxgarad Ka Hadlay Laba Beelood oo Dagaal Ku Dhexmaray Deegaano Ka Mida Gobolada Awdal iyo Salal
February 21, 2019 - Written by Reporter:

Xariirad (WJN)- Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Xariirad oo maanta kulan isugu yimi, ayaa ka hadley xaalada degmada Xariirad, iyagoona sheegay in aanu degmada ka jirin wax muran ah oo u dhexeeya bulshada halkaasi wada dega.

Sidoo kale Odayaasha iyo Waxgaradkan, ayaa baaq u diray beelo walaalo ah oo ay xurgufi ku dhexmartay deegaano ka mid ah gobolka Awdal iyo Salal, waxaanay beelahaasi ugu baaqeen inay ku soo noqdaan miiska wada hadalka oo ay colaada joojiyaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS