Natiijadda Kulan Madaxweynaha Somaliland La Yeeshay Danjire Ka Socday Dalka Finland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Natiijadda Kulan Madaxweynaha Somaliland La Yeeshay Danjire Ka Socday Dalka Finland
February 6, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Finland u qaabilsan  dalalka Somaliland, Kiiniya iyo Soomaaliya danjire Erik Lundberg.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka Wajaalenews, Kulankaas ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii ay dawladda Finland Somaliland uga caawin lahayd horumarinta waxbarashada iyo iskaashiga dhinaca maal-gashiga.

Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyey dawladda Finland mashruuca toban jirsaday ee MIDAFINNSOM oo ay dawladda Finland kala shaqayso wasaaradda  horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu safiirka  ku bogaadiyey  booqashada uu ku yimi dalka.

Waxa madaxweynaha kulankaas ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland.”

COMMENTS
LINKS