|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo Xukun Isugu Jira Ganaax iyo Xayiraad Ku Soo Rogtay Wargeyska Foore
February 10, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa xukun iskugu jira ganaax lacageed iyo xadhig ku riday wargeyka Foore. Gudoomiyaha maxkamada oo ku dhawaaqay go’aanka dacwad ka dhan ah wargeyskaas oo ka socotay maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa sheegay in wargeyska lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan sadex milyan iyo halsano oo aanu wargeyskaasi soo bixin. Sidoo kale Gudoomiyaha wargeyska Foore Cabdirashiid Cabdiwahaab Sheekh Ibraahin ayaa Wajaalenews u xaqiijiyey in maxkamada gobolku ku riday xukunkan. Waxa kale oo uu sheegay in lacagta ganaaxa ah ee lagu riday loo xidhay tifaftiraha wargeyska Foore Ilkacase, kaas oo xidhnan doona inta lacagta laga bixinayo, waxaanu xusay inay dhawaan faah faahin ka bixin doonaan xukunka ku dhacay. Related posts:Deg-Deg-Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Maanta Mudaharaado Salmiya Ka Dhigay Gobolka Saaxil, Cabashada ... Daawo:Waraysi Xiiso Badan Oo Uu Marti Ku Yahay Musharaxa Xisbiga Muxaafadka ah Ee Kulmiye Muuse Biix... Waddani oo Qaadacay Kulankii Xisbiyada iyo Xukuumada, Fashiliyeyna Heshiish Qarsoodiya oo Ay Galeen ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|