Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo Xoriyadiisii Dib Ugu Soo Celisay Abwaan Cabdiraxmaan Abees | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo Xoriyadiisii Dib Ugu Soo Celisay Abwaan Cabdiraxmaan Abees
February 25, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa maanta xoriyadiisii dib ugu celisay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo lagu soo eedeeyey xeerka ciqaabta guud oo ah inuu wax ka sheegay ciidanka Booliska, taas oo dacwoode ka ahaa qaranku.

Maxkamada gobolka maroodijeex ayaa sheegtay in dambigii lagu soo eedeeyey lagu waayey,isla markaana aanu ku geffin qodobka 269 xeerka ciqaabta guud , waxaana isla maantaba loo celiyey xoriyadiisii.

Hasse ahaateee waxaa ku gacan-saydhay xafiiska xeer ilaalinta oo go’aankaasi abwaanka lagu siidaayey  ka qaatay racfaan.

Labadii cisho u dambeeye ayaa dhagaysiga dacwadiisu ka socotay maxkamada gobolka Maroodi jeex, waxaana maanta soo saartay maxkamadu in lagu waayey dambigii lagu sii daayey.

Abwaan Abdiraxmaan Abees ayaa xabsiga loo taxaabay bishii January 12-keedii, waxaana lagu eedeeyey Gabay uu kaga hadlayey xaaladda xabsiyada dalka iyo guud ahaan nidaamka dawladeed oo uu dhaliilayey, taasina waxay keentay in lagu soo eedayo inuu wax ka sheegay ciidanka Booliska, taas oo dhibanne looga dhigay qaranka inuu dacweynayo.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS