Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo Jawaab Ka Bixisay Eedaymo Uga Yimi Jamaal Cali Xuseen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo Jawaab Ka Bixisay Eedaymo Uga Yimi Jamaal Cali Xuseen
February 11, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa  (WJN)- Maxkamada gobolka Maroodi Jeex, ayaa jawaab adag ka bixisay eedaymo uu maalintii shalay ahayd u soo jeediyay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo cadaalad daro ku tilmaamay xukunkii ay Maxkamadu ku riday Wargeyska Foore.

Guddoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex Axmed Dalmar Ismaaciil, oo ka hadleyay qodobadii loo cuskaday Wargeyska Foore, ayaa ka hadley dhaliisha Jamaal Cali Xuseen u soo jeediyay, Isagoona waxba kama jiraan u tilmaamay eedaymahaasi, Isagoona sheegay in aanu Jamaal wax aqoon ah u lahayn sharciga,

”Sadex fadhi ayaanu galnay, Jamaalna mid qudha ayuu yimid, markaa qofku markuu mar dhagaysto warka badhbaa ka maqan, hadii aad kalaas ka soo habsaanto oo aad timaado isagoo saacad socday lagjarku dee intii hore ayaa ku dhaaftay, Markaa waxaa ahayd in uu Jamaal Maxkamada yimaado oo uu naga waraysto dhacwadaha iyo fadhiyadii hore iyo waxa meesha ka dhacay, Kolay Jamaal waa abwaan oo xaga abwaanimada ayuu waxka garanayaa riwaayadana badhbaanu daawan oo ka dhiman”.ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodi Jeex.

 

COMMENTS
LINKS