Maxay Ka Wada Hadleen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo ONLF oo Markii Ugu Horraysay Kulmay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Ka Wada Hadleen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo ONLF oo Markii Ugu Horraysay Kulmay?
February 20, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Masuuliyiinta sarsare ee ONLF ayaa kulankoodii u horreeyay ee rasmi ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed tan iyo markii ay heshiiska nabadeed galeen.

“Heshiiskii hore ee aan Itoobiyo la galnay wuxuu ahaa saddex qodob oo kala ah, in ONLF ay si nabad ah waddanka uga sii halganto, in colaaddii Itoobiya iyo Soomaalida la joojiyo iyo in wadahadallno dheeraad ah iyo guddiyo wadahadal ay gudaha ka sii hawl galaan oo la dhiso,”

Kulankan shalay ka dhacay Addis Ababa oo dabo socday wadahadalkii hore ayaa la iskula soo qaaday arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii gudiyo loo dhisi lahaa, Ra’iisal wasaaraha ayaana arrintaa dhawaan dhaqaajin doona sida uu sheegay Caddaani Hiirmooge oo ah Afhayeenka ONLF.

“Ra’iisal wasaaruhu wuxuu nagala hadlay sidii aan gacan u siin lahayn isbadalka uu horseedka u yahay ee dimuqraadiyadda iyo caddaallada uu ugu raadinayo Itoobiya”.

Sawir hore

“Sidii gobolka Soomaalida nabad looga dhalin lahaa, sidii dib loogu dhisi lahaa, sidii xuquuqda ka maqan ee siyaasiga ah ama dhaqaalaha ay u heli lahaayeen,” ayuu yidhi Caddaani oo soo koobaya wixii uu ra’iisal wasaaruhu kala hadlay.

Dhanka kalana ONLF waxay sheegtay in ay iyaguna kala hadleen guud ahaan xuquuqda ka maqan dadka Soomaalida ah, arrintaas oo uu ka garaabay Ra’iisal wasaaraha sida ay ONLF sheegtay.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa dhawaanahan aad u hadal hayay sida loo qaybiyay guddiyada xuduudaha iyo qabanqaabada tirakoobka.

“Si wayn baan ugala hadalnay, wuxuuna Ra’iisal wasaarahu ka garaabay dulmiga Soomaalida lagu sameeyay ee talisyadii hore ay ku sameeyeen sida midka siyaasiga ah, tan tirakoobka iyo tan dhulkooda ah, in aan si wada jir ah ugu soo celino ayaana isku af garanay,” ayuu yidhi Caddaani.

Wuxuu intaas ku daray in guddiga xuduudaha iyo dib u heshiisiinta lagu kordhinaya dad Soomaali ah arrintaasna uu Ra’iisal wasaaruhu ka aqbalay.

 

COMMENTS
LINKS