“Marka Horeba Xadhigiisu Sharci Muu Ahayn, Go’aanka Maxkamadda Gobolkuna Waa Mid Sharci Oo Cadaalad Ah”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Marka Horeba Xadhigiisu Sharci Muu Ahayn, Go’aanka Maxkamadda Gobolkuna Waa Mid Sharci Oo Cadaalad Ah”Cali Guray.
February 25, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed yuusuf (cali guray) siyaasiyiinta xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka hadlay go,aanka maxkamada gobolka maroodi jeex xoriyadiisii ugu soo celisay abwaan cabdiraxmaan abees oo mudo bil iyo dheeraada ku xidhnaa jeelka way nee hargaysa kadib markii suugaan uu tiriyay ay xukuumada iyo ciidamada boolisku dhibsadeen

Siyaasi cali guray ayaa maxkamada ku amaanay go,aanka geesinimada leh ee ay qaadatay isagoo dhanka kalena sheegay in uu marka horeba sharci daro iyo koox ka cadhootay hadalkiisa u xidhnaa,

Cali guray ayaa qoraal uu siidaynta abwaan abees kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

MAXKAMADDA GOBOLKA WAAN HAMBALYAYNAYAA

Marka horeba xadhigiisu sharci muu ahayn ee cid ayuu ka cadhaysiiyay waana lagu cadho-burburay. Markaa xaq buu u lahaa inu xoriyadiisa dib u helo. Waxa fiican in sharcigu sareeyo sharcigana loo wada sinaado mar kasta si xukunku u noqdo qaynuunka. Go’aanka Maxkamadda Gobolku waa mid sharci oo cadaalad ah

Siyaasi cali maxamed Yuusuf (Cali Guray)

COMMENTS
LINKS