|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Qaabiley Safiirka Ingiriiska Ee Somaliland iyo Soomaaliya
February 2, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka, xidhiidhka labada dal, xoojinta gargaarka binu-aadanimo ee ay ingiriisku gacanta ka siiyo Jamhuuryadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iskaashiga arrimaha nabadgelyada mandaqada geeska afrika iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay dhismaha waddada Berbera Corridor oo uu safiirku sheegay inay tusaale fiican u tahay isu socodka dhaqaale ee geeska Afrika,Dawladda Ingiriiskuna ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dhismahaasi. Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday Isfahan iyo in xidhiidhka labada dal ka dhexeeya la sii dardar geliyo.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Oo Qalab loogu Talo Galay Ciidanka Togdheer Ku Wareejiyay Maamulka Gob... Maamulka Cisbitaalka Sheikh Oo Ka Hadlay Shil Gaadhi Laba Qof Ku Geeriyoodeen Oo Ka Dhacay Wadada Sh... Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo soo Sameeyay Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|