|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ka Jeediyay Shirweynaha Kulmiye
February 25, 2019 - Written by Reporter:Borama (WJN)- Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey madasha shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay usoo dhaweeyeen ergooyinka kala duwan iyo marti-sharafta kala duwan ee gobolka ku sugan. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isaga oo sheegay inuu yahay mid lagula xisaabtamayo xukuumadda uu majaraha u hayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Halkan waxa uu maanta golaha dhexe u fadhiyaa inuu la xisaabtamo xilkii ay u dhiibeen ee ay ummadda u ballan qaadeen ee ay ku olaleeyeen ee aynnu buugga ku qornay ayaa xukuumadda lagu xisaabin doonaa wixii ka qabsoomay iyo waxa ka dhiman, waxa kale oo golaha dhexe halkan kasoo jeedin doonaa wixii tusaale ah iyo wixii dhaliil ah sidii loo toosin lahaa iyo mustaqbalka sidii loosii wanaajin lahaa hawsha aynnu qabanno.” Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda uu hoggaamiyaa wax badan ka qabatay ballamihii uu xisbiga KULMIYE bulshada la galay, waqtiyadii uu ololaha ku jirey, inta dhimanna ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin sidii inta dhimanna loo dhammayn lahaa,“Xukuumad ahaan annaga oo ka duulayna tiirarkii ku jirey ballan-qaadyadii xisbiga KULMIYE, waxannu qorshaynay 43-mashruuc oo wax lagaga qabanayo toddobadii tiir ee uu xisbiga KULMIYE ballan qaaday, waxana aannu mudnaanta koowaad siinnay, tiirarka ay kamid yihiin Nabadgelyada iyo amniga, dhaqaalaha, waxannu xoogga saarnay midda ah kaabayaasha iyo horumarinta nolosha dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada, sidii dhallinyarada shaqo loogu heli iyo sidii dalka meelaha biyuhu ku yar yihiin sidii biyo loogu heli lahaa, qaar kalena wax baannu ka taataabannay, waxana aannu u kala qaadannay sida ay u kala mudan yihiin,” ayuu yidhi madaxweyne madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
WAJAALENEWS DESK BORAMA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Degmada Arabsiyo Cali Yoonis Habane Oo Iscasilay Iyo Sobobta keena... Boobe Yuusuf Ducaale oo Eedihii Ugu Cuslaa U Jeediyay Golaha Wakiilada iyo Guurtida, Sheegayna Xaala... Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiradadii Ugu Badnayd Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|