Madaxweyne Biixi oo Ka Hadley Halka Ay Kala Taagan Yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, Kulankii Abiy Ahmed iyo Shirweynaha Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi oo Ka Hadley Halka Ay Kala Taagan Yihiin Somaliland iyo Soomaaliya, Kulankii Abiy Ahmed iyo Shirweynaha Kulmiye
February 24, 2019 - Written by Reporter:

Borama  (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa ka waramay halka ay kala taagan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya iyo kulmadii uu la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanu marna ka bixi Karin dastuurka Somaliland oo qodobkiisa kowaad sheegayo in arrimaha masiiriga ah aanu madaxweyne iyo Baarlamaan waxba ka bedeli Karin, balse shacabka uun wax ka bedeli karaan, haseyeeshee waxa uu sheegay in Dastuurka Soomaaliya wali qabyo yahay oo aanay jirin meel shacabku ugu codeeyeen, taasina ay sabab u tahay inuu madaxweynahoogu sida uu doonno u dhaqmi karo.

Madaxweyne Biixi oo shacabka uga waramaya kulankii ay wada qaateen Ra’iisal wasaaraha Abiy Axmed ayaa yidhi “Qodobbada aannu ka wada-hadalnay waxa kamid ahaa sidii loo heshiisiin lahaa Somaliland iyo Soomaaliya, waxana uu soo jeediyey wada in arrintaas lagu dhammeeyo wada-hadal oo Afrika ugu dhawee ay gasho iyo caalamkuba, waxana aannu ku nidhi tobankii sano ee ugu dambeeyey annaguun baa aynnu wada-hadalno walaalayaal la daba soconnaye hadday wada-hadal oggol yihiin saacad walba gartayadu way noo duuban tahay waxa naga maqan iyo waxa aanu tabanaynnona waannu ognahay, cidina nala soo talin maysa oo naloogu yeedhi maayo cid dantayada nooga xog-ogaalsan, haddii aannu Somaliland nahayna Koonfurta Soomaaliya lamid ma nihin.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Turkiga oo dhowaan u yimid doonayeen inay wada hadalkii sii wadaan, haseyeeshee uu u sheegay in aanay dhex ka ahayn arrinta la isku hayo,maadaama oo dhinaca Soomaaliya u badan yihiin, sidaas darteed uu dalbaday inay dalal kale ku soo biiraan, waxaanu madaxweynuhu xusay in Turkigu ka aqballay oo uu sheegay inuu dalal kale ku soo daray oo bisha April bilaabmi doono wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya shirweynaha xisbiga kulmiye ee Boorama lagu qabanayo waxa uu yidhi “Shirkani waa mid lagula xisaabtamayo madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, xisbiyo ayaad doorateen, markii xisbiyada la doortayna aniga WADDANI wuu I doortay oo UCID baa I doortay, siday ii doorteenna waa markii codkii la riday KULMIYE ayaa u badsaday, labadii xisbi ee kale haddii aanay oggolaanin oo codkii igu soo wareejin oo aanay odhanin madaxweynow dalka dhex baad u tahee wad maynu soconneen oo sida Koonfurta ayeynnu is layn lahayn, markaa xisbigii KULMIYE oo masuuliyaddaas sida oo qaranka oo dhan u hadlaaya, ayaa ila xisaabtamaya, shanta boqol ee dhaw dhaw ee shirka imanayaana waxa ay ka imanayaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan,”

 

WAJAALENEWS DESK

BORAMA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS