Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad Guurada 25aad Ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad Guurada 25aad Ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka
February 2, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka qaybgalay sannad guurada 25aad ee aas aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 02-02-2019, markii dhidibada loo taagay ciidan qaran oo Dalku yeesho.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay goobta lagu qabanayey xuska sanad guurada aas aaska ciidanka waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, waxaanu kormeeray dhismeyaal cusub, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray madaxweynuhu laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo laga hirgeliyey xarunta birmadka iyo miiska saraakiisha ciidanka, waxaanu madaxweynuhu ku soo noqday goobta xafladu ka dhacaysay oo lagu soo bandhigay riwaayad la magac baxday gacmo wadajir oo ay jilayeen fannaaniinta ciidanka qaranku, markii ay dhamaatayna waxa khudbado ka jeediyey halkaasi taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ka warbixiyey wixii u qabsoomay ciidanka sanadkii la soo dhaafay iyo Wasiirka Gashaandhiga Somaliland, mudane Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo isaguna ka hadlay dedaalada ciidamada qaranku ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada dalka iyo dadka, isagoo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland.

Maaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad taariikhiya ayaa halkaasi ka jeediyay.

COMMENTS
LINKS