Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Wajaale, Kuna Soo Wajahan Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Wajaale, Kuna Soo Wajahan Hargeysa
February 27, 2019 - Written by Reporter:

Tog Wajaale (WJN)- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo waajahan yihiin magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Weftigan ayaa waxa lagu soo dhaweyeey magaaladda Tog Wajaale ee xadka labada waddan ay wadaagaan oo ay hadda ku sugan yihiin masuuliyiin Somaliland ka tirsan oo soo dhaweynaya.

Ujeedadka socdaalka Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayaa salka ku haya dhagax dhiga jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Wajaale.

Wariyeha shabakada Wajaalenews ayaa ku soo waramaya inay weftigu soo gaadhay magaaladdaasi, isla markaana la filayo inuu u soo dhaafi doono loona soo gelbin doono dhinaca Hargeysa.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Cagjar, ayaa la filayaa inuu kulamo la yeelan doono Madaxda Somaliland inta uu ku sugan yahay Somaliland, iyada oo ay hore Wajaale ugu kulmeen Madaxweyne Musfate iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Warkan oo Faah Faahsan Kala Soco Shabakada Wajaalenews

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS