Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lafilayo In Maalinta Bari Ah Socdaal Ku Tagaan Gobolka Gabiley Iyo Waxa Uu Daaran Yahay!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lafilayo In Maalinta Bari Ah Socdaal Ku Tagaan Gobolka Gabiley Iyo Waxa Uu Daaran Yahay!!
February 22, 2019 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse BixiCcabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa lafilayaa maalinta bari ah in ay socdaal ugu baxaan gobolka gabiley kaasi oo noqon doono socdaalkiisii sedexaad mudadii uu xilka hayay Uu ku tago gobolka gabiley.

Wararka Aanu ka helay socdaalka Madaxwayne Somaliland ayaa intaa ku daraya in uu hal habeen uhoyan doono Magaalada gabiley isagoo uga sii Dhaafi doono gobolka Awdal.

Qaban qaabada Soo Dhawaynta Madaxwayne Muuse Biixi iyo waftigiisa ayaa laga dareemaya Maagaalo madaxda gobolka  Gabiley. Iyadoo boodhadh ay ku Xardhan yihiin madaxwayne Kusoo dhawoow gobolka Gabiley lagu dhajiyay jidadka Magaalada Gabiley.

Bulshada reer gabiley ayaa udhagtaaya safarka madaxwaynaha iyo waxyaabaha ku cusub safarkiisa ee uu reer gabiley kala hadli Doonaan.

Dhanka kale bulshada ku dhaqan gobolka gabiley ayaa lafilayaa In ay Madaxwayne biixi kala hadlaan baahiyaha  shacabka reer gabiley  iyo waxa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne biixi uga qorshaysan dhamaystirka gobolnimada gabiley oo hore ugu jirtay balan qaadyadii wakhtigii ololaha ee xukuumadihii kala danbeeyay ee kulmiye ku galeen ololaha doorashada balse aanay waxba ka fulin.

Sikastaba ha ahaatee shacabka reer gabiley ayaa sugaya fulinta balanqaadkii wakhtigii ololaha ee madaxwayne biixi iyo waxyaabaha ay xukuumadu ka qabanayso baahiyaha aas aasiga ee gobolka sida caafimaadka, waxbarashada iyo Dhamaystirka Gobolnimada Gabiley.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS