Maamulka Diridhaba oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada iyo Bandoo Lagu Soo Rogay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Diridhaba oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada iyo Bandoo Lagu Soo Rogay
February 1, 2019 - Written by Reporter:

Diridhaba (WJN)- Toddobadii bilood ee la soo dhaafay waxaa magaalada Diridhaba ka dhacayey qalalaaso qawmiyadeed oo u dhexeeyay Oromada iyo Soomaalida haatanna waxaa ku soo biiray qowmiyadda Amxaarada waxaana magaalada amnigeeda haatan la wareegay ciidanka Mulatariga oo ay waxagaradka magaaladaasi Codsadeen.

Duqa magaalada Diridhaba Ibrahim Osman Farah oo BBC-da u warramay ayaa sheegay “iney xaaladda magaalada Diridhaba 5-tii maalmood ee la soo dhaafay ay xaaladdeedu deggan tahay kaddib marki ay amniga magaalada la wareegeen ciidamada Militariga dalka oo magaaladana lagu soo rogay xaalad degdeg ah.”

“Shan maalmood oo xidhiidh ah waxaa magaalada Diridhaba rabshado gacan ka hadal wata uu ku dhex marayey qowmiyadaha Oromoda iyo Amxaarada oo dhinac ah iyo Soomaalida oo dhinac ah” ayuu yidhi.

Wuxuuna duqa magaalada intaa ku daray “ciidamada Milatariga iney amniga magaalada la wareegaan uu ka codsaday maamulka magaalada si dhibaatooyinka amni darro ee magaalada ka taagan ay wax uga qabtaan maadaamaa awoodda hay’adaha amniga ee ismaamulka Diridhaba uu koobnaa dhibaatada dhacdayna awooddooda ay ka baxsaneyd.”

Isku dhacyda Diridhaba kuwii hore muxuu kaga beddelan yahay?

Qowmiyadaha wada daggan magaalada Diridhaba hore waxa u soo mari jiray isku dhacyo siyaabo kala duwan ku billaawda balse isku dhacan u dambeeyey uu ka duwanaa kuwii hore uuna ka ballaadhnaa.

Duqa magaalada Diridhaba Ibrahim Osman Farah

Wuxuuna kaga duwanaa laba siyaabood ayuu yidhi duqa magaaladu:

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad kooxo dano gaar ah leh islamarkana aan ku qanacsanayn maamulka magaalada .

“Kooxo dano gaar ah oo siyaasadeed lahaa oo aan ku qanacsaneyn qaabka loo maamulo magaalada Diridhaba oo kursi raadis ah taa ulama jeedo qowmiyadda Amxaarada, balse shaqsiyaad dan gaar ah lahaa ayaa waday howsha dhacdayna iyaga oo qowmiyad ugu soo gabbanayey” ayuu yidhi Mr Ibrahim.

Waxa uu sidoo kale duqa magaalada Diridhabe uu farta ku fiiqay in ay jiraan dad abuuraya xasarad ku salaysan Diin.

“Waxaa sida oo kale rabshado lagu sameeyey dad munaasabad diimeed ku howlanaa oo magaalada Diridhaba ku nool si ay kooxaha danaha gaarka ah lahaa ay u abuuraan dagaal diimeed oo bulshada la isaga horkeenayo, marka ay taa socon weydayna waxay u beddeleen mid siyaasadeed, kooxihi danaha gaarka ah lahaa ayaana kharash ku bixiyey kooxaha rabshadaha waday”ayuu yidhi Ibrahim

Wuxuuna maayarku intaa ku daray in ilaa iyo hadda rabshadahaasi loo qabqabtay dad gaadhaya 309 qof oo rabshadahan iney ku lug lahaayeen looga shakisan yahay oo dhinacya badan isugu jira.

Xitaa dadka rabshadahaasi loo hayo waxaa ka mid ah dad Soomaali ah oo ay dhici karto iyaga laftooda in loo adeegsaday rabshadahan iney qayb ka noqdaan.

Soomaalida Diridhaba ku nool ma cidhiidhi bey galeen?

Duqa magaalada Diridhaba Ibrahim Osman Farah mar uu ka hadlayey Soomaalida ku nool maamulka Diridhaba ayaa wuxuu sheegay iney dhici karto Soomaalida arrimahan iska soo daba dhacaya awgeed ay cidhiidhi dareemaan.

“Sida aad la socotaanna isbeddelka siyaasadeed ee ka taagan dalka Itoobiya ayaa waxay keentay iney bataan kooxaha xagjirka ah ee qabiilka ama diimaha ku soo gabbanaya” ayuu yidhi duqa magaalada.

“Dhibaatada ugu weyn ee halista ku ah dalka Itoobiya inuu isbeddel dhab ah ka hana qaadana ay tahay xagjirnimada diin ama qabiil haba looga soo gabbadee”ayuu intaa ku daray.

COMMENTS
LINKS