Ma jiraan Arimo Xasaasiya Oo Madaxwayne Muuse Biixi Madax dhaqameedka G/gabiley Kula Gorfayn Doono Kulankiisa Galabta,Caawa Ilaa Barri?+Dareenada Ku Xeeran!!FAALO. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma jiraan Arimo Xasaasiya Oo Madaxwayne Muuse Biixi Madax dhaqameedka G/gabiley Kula Gorfayn Doono Kulankiisa Galabta,Caawa Ilaa Barri?+Dareenada Ku Xeeran!!FAALO.
February 23, 2019 - Written by Editor:

Maxaase Laga Filayaa Kulanada Madaxwayne Muuse Biixi iskaga dabqaadayo Madax dhaqmeedka G/Awdal iyo Madax=dhaqmeedka G/Gabiley In Ay Ka Soo Baxaan ?

GABILEY(W,N) Tann iyo markii Madaxwayne Muuse Biixi uu xilka kala Wareegay Madaxwaynihii hore ee Siilaanyo oo maanta laga joogo mudo Sannad iyo Sadex Bilood ama Shann iyo Toban Bilooda,waa socdaalkii Labaad ee Madaxwayne Muuse Biixi ku tago Magaalada Gabiley isla markaana uu Laba habeen ugu dhaxo isagoo kulano gaara=gaara la yeesha qaybaha kala duwan ee Bulshada G/Gabiley gaar ahaan Madax-dhaqameedka Bulshada G/Gabiley .

Socdaaladan Madaxwaynuhu uu labada habeen ugu dhaxay Magaalada Gabiley ayaa guud ahaan ka abuuray Bulshada S/land dareeno kala duwan,waxaanay dadka arimaha siyaasada U kuur galaa iswaydiinayaan  Ma Jiraan Sabobo Iyo Duruufo Jira Oo Madaxwayne Muuse Biixi Ku Kalifaya In Mudo Sannad Iyo Sadex Bilooda Uu Socdaalkii Labaad Uu Ku Tago Magaalada Gabiley Isla Markaana Uu Habeen Ugu Dhaxo ?

 Maxaase Laga Filayaa Kulanada Madaxwayne Muuse Biixi iskaga dabqaadayo Madax=dhaqmeedka G/Awdal iyo Madax=dhaqmeedka G/Gabiley In Ay Ka Soo Baxaan ? halka ay dadka qaar ku Tilmaameen in Socdaalada hebeen dhaxa ah ay Xambaarsan yihiin Kulano xidhiidhsan oo lagu gurfaynayo arimo Xasaasiya oo looga maarmi waayay in Madaxwayne Muuse Biixi uu lafo gurkooda goob joog ka ahaado .

Inkastoo Madaxwawayne Muuse Biixi dirirtii labada beelood ee walaalaha ah ku dhex martay deegaanka Ceel Afwayn ee G/Sanaag ee dhimashada iyo dhaawaca badan keenay aanu xalintooda goob joog ka noqon waxay dad badani iswaydiinayaan duruufaha jira ee sobobay in muddo gaaban laba socdaal uu kulano kula qaato Madax=dhaqmeedka Gabiley .Halka dad badan oo arimaha siyaasada Bulshada S/land iyo ta deegaanka G/Gabiley sida joogtada ah ula socda ay ku tilmaamayaan in Labada  Socdaal ee Madaxwaynuhu uu habeenka ugu dhaxay Magaalada Gabiley ay ka dhasheen Codsi uga yimid Madax=dhaqmeedka Gobolka Awdal ay kaga dalbadeen in Madaxwaynaha soo hordhigeen in xal laga gaadho Deegaanada Khilaafka cakiran ka taagnaa mudada dheer ee Waqooyi Galbeed kaga beegan Magaalada Gabiley,ka dib markuu Madaxwayne Biixi kulan la qaatay Madax=dhaqmeedka G/Awdal socdaalkii koowaad ee Xafladii Qalin jabintii Jaamacada Camuud uu kaga qayb galay,halka ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Madaxwaynuhu dhankiisa si Deg daga ugu soo gudbiyay Madax=dhaqameedka Deegaanada Waqooyi Galbeed ee Gabiley ka soo jeeda in ay lafo guraan Arinta uga timid dhigooda Gobolka Awdal,inkastoo kulano badan oo ay yeesheen Madax-dhaqmeedka Deegaanada Waqooyi Galbeed ee Gabiley aanay noqon kuwo loo dhan yahay oo laga soo wada qayb galo .

Si kastaba ha ahaatee,ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helayno Socdaalka Madaxwayne Muuse Biixi ku tagay Gabiley isla markaana uu habeenka Caawa ugu hoyanayo Magaalada Gabiley ayaa sheegaya in Madaxwayne Muuse Biixi uu Bulshada G/Gabiley kala hadli doono sidii xall looga gaadhi lahaa khilaafka cakiran ee ka taagnaa mudada dheer deegaanada Waqooyi Galbeed,iyadoo la saadaalinayo in uu go’aano hor dhac ah ka soo saari doono arintan,halka aragtida ka soo horjeeda ay tilmaamayso in Madaxwayne Biixi uu faraha la galayo arimo u baahan in mudo loo dhabar adaygo oo Madaxdhaqmeedka Labada Beelood loo daayo,hadii kale ay noqon doonto Maah=maahda tidhaa              ( Dhidar xabaalo qode Qudhunbuu uga dhaadhacaa ) .

La Soco Wararka Dheeraada Oo Ka Soo Kordha Socdaalka Madaxwayne Biixi Ee Gabiley .

WAAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

WAJAALE STAFF.

COMMENTS
LINKS