|
|||||
WAJAALE NEWS
Laba War Ba Xoog Baan Ula Yaabay!W/Q; Maxamed Haaruun.
February 27, 2019 - Written by Editor:
“Booliiska ilaalinta amniga u taagan ma aha in wax laga sheego.” Doodda ah oo runtii aad u liidata ayuu ku celiyay, sababta oo ah dad sidaas leh ayuu maqlay. Booliiska laftoodu hadii ay qalad samaynayaan, oo sharcigii ku tumanayaan, sidee baan wax looga sheegaynin? Meel aan wixi qaldama la sheegayni saw sii xumaan mayso uun. Booliisku ma kitaab masjid dhex yaal baa? Guushiisu waxa ay ku jirtay waanu qaldanay, booliiska iyo hab dhaqankooda na dib u aegis baa lagu samaynayaa, dibn na waxyaabaha qarkood u dhici maayaan. Intaas oo keliya ayuu u baahnaa, laakiin wuu seegay. Guusha marka aan lagu waafajinaynin, sida Muuse oo kale ayuunbaad si fudud u dhaafdhaaftaa. Sanadka iyo siyaadada uu meesha joogay, alla maxaan ogsoonahay goolal waawayn oo si fudud uu u dhalin lahaa, laakiin uu si fudud u seegay, iyo golal u isagu iska dheliyayba! QALINKII; MAXAMED HAARUUN. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|