|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Go’aan Adag Ka Qaadatay Khamriga iyo Sigaarka
February 6, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Aqalka wakiilada dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed lagu mamnuucaya in sigaarka lagu cabbo goobaha ay dadka isugu yimaadaan iyo in khamriga laga xayeeysiiyo warbaahinta dalkaasi. Hindise sharciyeedkan cusub ayaa mamnuucaya in meel u jirta 100 Mitar xarumaha caafimaadka, goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo goobaha shaqada aanan lagu cabbi karin sigaarka. Sidoo kale sharciga ayaa qeexaya in ganacsatada khamriga aysan ka iibin karin dadka da’doodu ka hooseeysa 21 jir. Kalfadhiga 24-aad ee golaha baarlamaanka ayaa la filaya inay ku ansixiyaan hindise sharciyeedkan ay ka doodeen xildhibaanada iyo in kale. Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Markale Sheegtay In Argagixisadii Ugu Badnayd Kusoo Qulqulayaan Magaalada La... DAAWO;Madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Fuliyo Balan Qaadkii Ay... Dawladda Jabuuti oo si qarsoodi ah ugu soo celisay Somaliland Maxaabiistii ay qaadatay oo la Jidh-di... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|